Skip to main navigation Skip to main content Skip to page footer

Oggolaanshaha Shaqada

Ujeedada: ogolaanshaha shaqada ayaa ah in muwaadiniinta ajnabiga ah ay si sharci ah uga shaqeeyaan gudaha Soomaaliya muddo cayiman. Waxay hubineysaa in shaqsiyaadka loo oggol yahay inay shaqeeyaan waxayna gacan ka geysaneysaa xakameynta suuqa shaqada iyada oo la hubinayo in kuwa loo shaqeeya ay shaqaaleysiinayaan shaqaalaha haysta rukhsadaha lagama maarmaanka ah.


Hay’adda Mas'uulka ka ah:

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada


Dukumentiyada Loo Baahan Yahay:

  • Baasaboor aan dhicin
  • laba sawir oo teesaro ah
  • Fiisaha dal ku galka
  • Curriculum Vitae (CV)
  • Shahaado waxbarasho
  • Warbixinta Caafimaadka
  • Caddaynta lacag bixinta

Tallaabooyinka ay tahay in la qaado si looga faa 'iideysto adeegga:

Shirkaddu waa inay codsataa ruqsad shaqo oo loogu talagalay shaqaalahooda cusub ee ajnabiga ah ka hor inta aysan si sharci ah u bilaabin inay ka shaqeeyaan waddanka.


Lacagaha loo baahan yahay:

Lacagtu waxay ku ka la duwan tahay bilaha la rabo ogolaanshaha, waayo :

  • 12 Bilood – $780

  • 6 Bilood – $490

  • 3 Bilood – $320

Tasii oo lagu bixin karo telefanka iyada oo lagu bixinaaya akoontiga bangiga ee lagu qoray xarunta gobolka


Qaabka loo Codsan kara:

Si shakhsi ah (in person)