Warbixin kooban
Soomaaliya, si rasmi ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waa dalka bari ee qaaradda Afrika.
Somaaliya waxey ku taalaa Geeska Afrika, galbeedna waxa ka xiga Itoobiya, Jabuutina waqooyi-galbeed.
Kenya oo ka xigta koonfur-galbeed, Gacanka Cadmeed oo waqooyi ah, iyo Badweynta Hindiya oo bari ah.
Soomaaliya ayaa leh Xeebta ugu dheer ee dhul weynaha Afrika. Soomaaliya waxaa dadkeeda lagu qiyaasaa 19.1 milyan, kuwaas oo in ka badan 4 milyan ay ku nool yihii Mgaalo madaxda muqdisho oo ah magaalada ugu weyn Dalka. Luqadaha rasmiga ah ee dalka waa Soomaali iyo Carabi.
Dadka Soomaaliyeed waa Muslimiin 100% (Sunni).
Magaca | Jumhuriyadda Federaalka Soomaaliya |
Magaalo Madaxda | Muqdisho |
Lcagta | Shilin Soomaalia (SHS) |
waqtiga | UTC+3 (East Africa Time ) |
Diinta | Islam Sunni |
Koodhka wicitaanka | +252 |

Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa leydi buluug khafiif ah oo ay dhexda kaga taal xiddig cad oo leh shan geesood oo siman. Calanka qaranka Soomaaliya ayaa la sameeyay 12-kii Oktoobar 1954-tii, waxaana naqshadeeyay Maxamed Cawaale Liibaan. shant gees ee calanka waxey ka dhigan tahay shanta gobol ee ay Soomaalidu degto.

Astaanta Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya waa gaashaan buluug ah oo leh xargo dahab ah, dhexdana waxaa kaga yaal xiddig shan gees ah oo qalin ah. Gaashaanka waxa ku dul yaal calaamad la qurxiyey oo shan madax oo dahab ah leh, oo laba geesood ah oo kala badh ah. Gaashaanka waxa dhinacyada ka jira laba shabeel oo iska hor imanaya cidhifka hoose ee gaashaanka, oo ay la socdaan laba caleemood oo timir ah, kuwaas oo ay ku wada xidhan yihiin shal cad.

Heesta Calanka Soomaaliya waxaa loogu magacdaray “Qolobaa Calankeed” oo ka turjumaysa “Qaran kasta Calan u gaar ah ayuu leeyahay” Heestu waxay ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ay leedahay hanka iyo wadajirka qaranka. Erayadu waxay ku dhiirigelinayaan muwaadiniinta inay kacaan, taageeraan dalkooda, oo ay isku tiirsadaan midba midka kale.