Shatiga Wadista
Ujeeddo:
Ujeeddada shatiga waddista waa in la hubiyo in shakhsiyaadka wadda gawaarida mishiinada ay muujiyeen xirfadaha iyo aqoonta lagama maarmaanka ah si ay si ammaan ah ugu wadaan. Sidoo kale, waxa uu u adeegaa sidii qaab aqoonsi ah oo loogu isticmaalo booliska iyo ujeedooyin kale oo rasmi ah.
Shatiga waddista waxa uu ansax yahay muddo shan (5) sano ah laga bilaabo taariikhda codsiga, waxaana la cusboonaysiin karaa.
Hay'adda Masuulka ka ah:
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Madaniga
Dukumentiyada Loo Baahan Yahay:
- Baasaboor Ansax ah 
- Aqoonsiga Qaranka 
- Laba Sawir oo Cabbirka Baasaboorka ah 
- Caddeynta Bixinta Lacagta 
- Warbixin Caafimaad 
Tallaabooyinka Loo Marayo Helitaanka Adeegga:
- Gudbi imtixaanka wadista 
- Bixi lacagta 
Lacagta Laga Rabo:
105 Doollar Mareykan ah, oo lagu bixinayo mobile money, waxaana loo wareejinayaa akoon bangi oo lagu soo bandhigay xarunta.
Habka Codsiga:
Si toos ah (in person)
